Sidee U Dhisi kartaa qoys wanaagsan oo leh nidaam iyo kalsooni

qoys wanaagsan

Muhiimada uu leeyahay qoys wanaagsan

Reer-ka iyo qoyska wanaagsan waa bar bilowga iyo halka laga helo bulsho caafimaad qabta oo wanaagsan, qoyska wanaagsan waa halka qofku ka helo daganaan jacayl iyo sidoo kale kalsooni.

Si loo dhiso qoys wanaagsan oo xasiloon isla markaana haysta farxad joogto ah, waxaa muhiim ah dhisida iyo samaynta nidaam cad oo kala hagi doona cid walba iyo waajibka saran iyo sidoo kale xiriirka xubnaha qoyska.

Dhisida nidaamkan ayaa qayb iyo gacan weyn ka gaysanaya abuuritaanka jawi dagan kaas oo caruurta iyo lamaanuhu ka helaan jawi xasiloon iyo sidoo kale is aaminaad intaba.

Kalsoonida ayaa ah tiirka kowaad kaas oo isku haya qoyska marka ay kalsooni dhex taalo caruurta iyo waalidka, xiriirkooda ayaa noqonaya mid adag isla markaana waxaa aad u yaraan doona khilaafadka soo kala dhex gali doona, hadaba kalsooni dhisida ayaa u baahan is ixtiraam, wada hadal furan isla markaana daacad ah iyo sidoo kale in wakhti la wadaago.

Maxay tahay micnaha qoys wanaagsan?

Hadaba qoyska wanaagsan waa mid ku dhisan kuna taagan jacayl qoto dheer, ixtiraam ka dhaxeeya xubnaha qoyska, iyo sidoo kale wadajir.

Qoyska wanaagsan waa mid ay dhexdiisa ka muuqato kalsooni aad u weyn aaminaad iyo sharci iyo nidaam hagaagsan kaas oo kala hagaya xiriirka caruurta iyo waalidkooda.

Marka qoysku leeyahay sidoo kalena haysto nidaam iyo sharci cad shakhsi kasta oo kamid ah waxaa uu dareemaya masuuliyad saran taas ayaana abuuraysa xasiloonida iyo farxada waarta.

Astaamaha qoyska wanaagsan waxaa kamid ah kuwan.

1: Kalsooni iyo is-aaminaad: caruurta iyo waalidkooda waxaa ka dhaxaysa isku halleen iyo is aaminid

2: Xiriir furan: qoyska wanaagsan waxaa dhexdooda ka jirta hab wada hadal furan.

3: Jacayl iyo taageero: xubnaha kala duwan ee qoyska waa kuwo isku muujiya garab istaag xiliga wanaagsan iyo sidoo kale xiliga adagba.

Qoyska wanaagsan ma ahan kaliya mid ku dhisan in lawada noolaado balse taas badalkeeda waa qoys ku dhisan dareen jacayl, garab istaag, iyo qiimayn la qiimaynaayo qof kasta iyo xubin kasta oo kamida qoyska.

Sida loo dhiso nidaam qoyska ka dhiga mid xasiloon

Qoys walba waxa uu u baahan yahay nidaam iyo sharci kala haga si uu u noqdo mid guulaysta, xasilloon isla markaana haysta farxad joogto ah.

La’aanta nidaam cad ayaa keeni karta jahwareer ku yimaada xubnaha kala duwan ee qoyska sidoo kale inay soo kala dhexgasho Isfahan la’aan weyn iyo khilaaf joogto ah.

Nidaamka cad ayaa ka caawiya qoyska inay khilaafkooda u xaliyaan si wadajir ah halkii la iska eedayn lahaa sidoo kale si wadajir ah u wadaagan waajibka saran xubin kasta isla markaana u dhisaan xiriir adag oo aad u xasilloon.

Sidee loo dhisaa nidaam qoyska xasillooni u keena

1. shakhsi walba waa inuu ogaada masuuliyada saaran: qoyska wanaagsan ayaa leh nidaam kaas oo qof walba oo xubin ka ah qoyska uu ogyahay waajibka saaran.

2. xeerar cad cad iyo heshiisyo qoyska ka dhaxeeya: waxaa muhiim ah inuu qoysku lahaado xeerar iyo heshiisyo ka dhaxeeya sida habka go’aan qaadashada, xalinta khilaafaadka. Sharciyadu waa inay noqdaan kuwo waxtar u leh qoyska isla markaana waa inay noqdaan kuwo qof kasta fahmi karo.

3. wada hadal furan iyo dhagaysi dheeraad ah

4. is ixtiraam iyo jacayl la muujiyo

5. waqti lawada qaato

Ugu danbayn qoys wanaagsan waa mid si wadajir ah u dhisaya isla markaana ugu dhaqma xeerar iyo nidaam xoojinaya farxadooda iyo isfahanka ka dhaxeeya. Marka uu qof walba dareemo inuu leeyahay door muhiim ah xasilloonida qoyska ayaa sii xoogaysta.

3. sidee loo xoojiya kalsoonida qoyska.

Kalsoonida ayaa ah waxa qoyska mideeya, hadii aysan qoyska dhexdiisa jirin wax kalsooni ah, waxaa aad u adkaan doonta inay isfahmaan, is qiimeeyaan, amase xitaa isjeclaadaan.

Balse marka qoyska ay ka dhaxayso kalsooni adag, xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya ayaa xoogaysta sidoo kalena waa ay is aaminaan xitaa marka ay jiraan duruufo adagi.

Ku xooji qodobadan kalsoonida qoyskaaga.

1. ballan oofin iyo isku hallayn

2. wada hadal wanaagsan

3. is ixtiraam iyo dulqaad

4. is taageerid wakhtiyada adag iyo kuwa fiican

5. jacaylka oo ficil ahaan loo muujiyo

Qoyska ayaa ah sida geedka oo kale, mar kasta oo ereyo wanaagsan lagu waraabiyo laguna daryeelo wuxuu noqdaa mid baxa kalsooni ah iyo jacayl ahaan wuxuuna noqdaa mid xoogan, balse hadii la dayaco wuxuu noqdaa mid engaga sidoo kalena qalala kaas oo ay dhexdiisa ka dhinatay kalsoonidii iyo jacaylkii ka dhaxeeyay.

Kalsoonida ayaa ah mid kamida biyaha uu ku korayo xiriirka ka dhaxeeya qoyska markasta oo qoysku is aamino, is ixtiraamo, isna daryeelo sidoo kale is garab istaago waxaa halkaas ka dhismaaya qoys wanaagsan oo kalsooni iyo jacayl ka dhaxeeyo.

4. Sidee Loo Maareeyaa Khilaafka Qoyska?

Qoys kasta dhexdooda waxaa ka dhaca khilaafyo kala duwan taasina waa wax dabiici ah. Labo qof oo kasta oo nolol ka dhaxaysana waxaa dhacda inay marar badan isku fahmi waayan arimo badan oo noloshooda ah. Balse muhiimada ugu weyn ayaa ah sida loo xaliyo khilaakaas si uusan burbur ugu imaan qoyskaas.

Dulqaadka Iyo Is-Fahamka

Mar kasta oo khilaaf cusubi yimaado talaabada koowaad ee xalka u ah waa inay isku dulqaataan lamaanuhu. Yeeshaana wada hadal furan oo ay kaga wada hadlaayan khilaafkaas iyo sidii ay u xalin lahaayen. Mararka qaar khilaafka ayaa noqon Kara mid Weyn oo saamayntiisa wata balse hadii meesha timaado wada hadal furan sidoo kalena lamaanuhuna is maqlaan waxaa suurtagal ah in khilaafka la xaliyo guulna laga gaaro burbur ku imaan lahaa qoyska.

Xalinta Dhibaatada Si Xasiloon

Waa lama huraan in khilaafka la xaliyo iyada oo aan kor la iskula hadlin ama la isku eedeyn. Waxaa wanaagsan in marka wax la isku khilaafo, la iskudayo in si nabad ah loo xalliyo. Mar kasta oo qofku dareemo in codkiisa la maqlo, wuxuu aad uga sahlan yahay inuu aqbalo xal dhexdhexaad ah.

Ka Fogaanshaha Dagaal iyo Muran Aan Dhamaad Lahayn

Qof walba wuu xanaaqi karaa, laakin dagaal joogto ah iyo muran aan dhamaad lahayn ma hagaajinayo qoyska Waxaa muhiim ah in lamaanuhu bartaan sida wax loo iska cafiyo, si khilaafkaas uusan u noqon mid saameyn xun ku yeesha xiriirkooda.

5. Diinta iyo Dhaqanka Qoyska Sidee Loo Ilaaliyaa?

Diinta iyo dhaqanku waa tiirarka ugu muhiimsan ee qoyska mideeya sidoo kalena xoojiya jacaylka iyo is-ixtiraamka. Qoys walba wuxuu u baahan yahay inuu ilaaliyo qiyamkiisa, si ay u jirto xasillooni iyo is-fahan.

Doorka Diinta ee Dhismaha Qoys Wanaagsan

Diinta waxay ina baraysaa muhiimada qoyska iyo sida loola dhaqmo dadka kuu dhow. Marka qoyska uu diintiisa ilaaliyo, wax badan ayay iska ilaalinayaan, sida muran aan loo baahnayn iyo kala fogaansho.

Sida Dhaqanka Wanaagsan Uu U Dhiso Qoys wanaagsan

Dhaqanka wanaagsan wuxuu kobciyaa qoys caafimaad qaba. Qoysaska dhaqankooda dhowra waxay leeyihiin xushmad, wadajir, iyo xiriir fiican oo ay xilliyo badan kusii jiri karaan Waa muhiim in waalidiintu baraan carruurtooda dhaqanka wanaagsan si ay mustaqbalka u noqdaan dad qiimo leh.

Gunaanad

Qoyska wanaagsan waa mid leh xasillooni, kalsooni, iyo is-ixtiraam. Khilaafku waa wax dabiici ah, balse habka loo maareeyo ayaa go’aaminaya sida qoyskaasi u sii jiri karo Wadahadal, dulqaad, iyo cafis waa furayaasha qoys mideysan oo farxad leh.Diinta iyo dhaqanku waxay door muhiim ah ka ciyaaraan dhismaha qoys waara.

Marka qoyska uu ilaaliyo qiyamkiisa, wuxuu helayaa farxad iyo xasillooni.Ugu dambeyn, qoys wanaagsan wuxuu keenaa bulsho wanaagsan. Haddii qoysaska wanaagsanaadaan, bulshada oo dhan way hagaageysaa. Waxaa muhiim ah in qof walba uu ka shaqeeyo dhismaha qoyskiisa, si uu u helo nolol deggan oo farxad leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *