Qisada qoomkii nabi huud ee reer caad RAMADAAN1

reer caad

Salaam dhamaantiin saaxiibayaal ramadaan wanaagsan kusoo dhawaada maqaalakeena manta halkan waxaan kusoo gudbin doona qisada qawmkii nabi huuud calayhi salaam anaga oo maalin walba soo qaadan doona hal qiso dhamaan inta ramadaanku socdo inshaa allah.

QISADA REER CAAD

Qawmkii iyo duriyadii nabi nuux halaagi lagu halaagay biyaha intii ka badbaaday waxay ku faafeen dhulka waxaana dadkaas kamid ahaa dad la dhihi jiray reer caad, reer caad waxay ahaayeen dad dhadheer oo aad u xoog badan sidaas oo kalena la moodo in jirkoodu ka samaysan yahay bir dadkuna way ka baqi jireen muqaalkooda aadka u waynaa dadkan ayuu alle swt usoo diray nabi huud calayhi salaam si uu ugu yeero inay rumeeyaan alle SWT  laakiinse way ka biyo diideen ilaa alle marsiiyay ciqaab cibro qaadasho u noqota qof kasta  oo maqlay sheekada iyo qisada reer caad.

Reer caad waxay ahaayeen dad can ku ah dhisada daaro iyo teendhooyin aad u dheer si ay dadka kale ugu muujiyaan awoodooda iyo quwada ay dadka kale dheer yihiin waxayna wakhtigooda ugu badan ku bixin jireen cunida, ciyaaraha iyo dhisada.

Buuraha dushooda ayay ka dhisan jireen goobo lagu ciyaaro kuwaas oo meel fog laga arki karo, Taariikhyahana ayaa wariya in dhulka banaan uu qofku dhisan jiray si uu haybad u helo guryaha ay dhisi jireena waxa ay ahaaye kuwo ka tiro badan baahida guri ee haysaa waxaana jiray guryo badan oo faaruq ah.

Xiliyada abaarta ah waxay ah duulaan dagaal ku qaadi jireen deeganada u dhow waxayna kasoo furan jireen hantida dadkana way dili jireen waxaana lagu sifayn jiray inay lahaayeen xanaaqa maroodiga kaas oo wax walba cagta mariya marka uu xanaaqo alle SWT ayaa u barakeeyay reer caad dhulkii ay dagi jireen xolahooda ayaana daaqi jiray waadiga dhulka ay dagaan ayaana ahaa dhul aad u qurux badan oo cagaar ah waxaana ku yaalay beero soo jiidasho badan nimcooyinaad u badan oo dadka u dhowi aysan haysan ayayna haysteen.

NASABKA REER CAAD

Reer caad waxay ahaayeen dad carab ah deegaankooduna waxa uu ahaa dhul xeeb u dhow kaas oo la dhaho shaxti oo ka tirsan deegaanka axqaaf oo u dhaxaysa gobolka xadra maw tee dalalka yaman iyo cumaan wuxuu ahaa deegaan barwaaqo ah kaas oo ku dhex yaala meel saxaro ah dadka degaandooka ka durugsana aysan haysan nimcadaas oo kale

Waxay noqdeen kadib halaagi qoomkii nabi nuux CS dadkii ugu horeeyay ee shirki la yimaada nimcadii alle uu siiyayna waxay noqdeen kuwo ku kufriya sidoo kalena waxa ay samaysteen sanamyo ay caabudaan dhaxagyada kuwa ugu adag ayayna ka qori jireen asnaam ay caabudaan isla dhagxaantaas ayayna duco waydiisan jireen waxayna ahaayeen kuwo ku fogaaday nimcooyinka dhulkooda buux dhaafiyay ee alle SWT ku manaystay.

Alle ayaa usoo diray nin walaalkood ah isla markaana iyaga kamid ah kaas oo ahaa nabi huud calayhi salaam waxa uu u keenay fariintii alle SWT ee ahayd in qowmkiisa uga digo shirkiga sidoo Kalena nimcooyinka allena uu xasuusiyo sidoo kalena ay ka tagaan sanamyada ay gacmahooda ku samaysteen kana fogaadan dulmiga iyo kibirka ay dadka kale u gaysanayaan.

Nabi huud nasab ahaan waxa uu kasoo jeeda duriyadii nabi nuux caylhi salaam abtirsigiisuna waxa uu noqonaya:

HUUD IBNU SHAALAX IBNU ARFAQSHANDA IBNU SAAM IBNU NUUX CALAYHI SALAAM waxa uu ka dhashay reer caad oo ahaa dad carab ahaa nabi huud ayaana kamid ahaa afarta nabi ee asalkoodu carab kasoo jeeday kuwaasi oo kala ahaa

1. HUUD 2. SAALAX 3. SHUCAYB 4.  NABI MUXAMED SCW

Qawmkii reer caad waxay ahaayeen kuwii ku xigay qawmkii nabi nuux ee loo diro rasuul inta badan alle swt marka uu ka waramo qisadii nabi nuux waxa uu ku xijiyaa qisada reer caad ee loo diray nabi huud maadama ay ahaayen dadkii ku xigay ee rasuul loo diro iyo kuwii ku xigay ee shirki iyo kibir la yimaaday kuwaas caasinimo ay alle ku caasiyeen darteed loo halaagay.

Waxay lahaayeen sanamyo lakala oran jiray SAD, SAMUUD, IYO HIR waxayna ugu goodiyeen nabi huud inay dili doonan hadii uu markan sanamyadooda ku tilmaamo ilaahyo aan waxba tarin markii alle SWT faray nabi huud inuu qawmkiisa fariinta gaarsiiyo sida rasuulkii ka horeeyay ee nabi nuux calayhi salaam waxaaba isla markiiba kasoo horjeestay odayadii reeraha iyo dadkii kuwa kale ku boorin jiray cabudida asnaamta.

Nabi huud waxa uu xasuusiyay nimcada ay haystaan sidoo kalena waxa uu xasuusiyay qisadii qawmkii nabi nuux iyo sidii loo halaagay sidoo kalena asnaamta ay gacmahooda ku samaysteen inay dhib iyo dheef midna u hayn shirkiga iyo gaalnimadana ay kaga tagaan inay cabudaan allihii abuuray ee siiyay nimcada ay haystaan.

Waxayna ugu jawaabeen huudow waxaa tahay beenaale waadna jirran tahay waxaana ku asiibtay caradii ilaayadeena nabi nuux calayhi salaam waxa uu ku dhahay ma jirrani carana ima asiibin ee waan idin nasteexayn ee I rumeeya oo qaata diinta alle SWT allahaas oo abuuray samada iyo dhulka aad ku dhex nooshihiin idinkana idin siiyay nimcada markasta oo dacwad ugu tagana hal jawaab ayay siin jireen taasi oo ahayd kuma rumaynayno kamana tagayno sanamyadeena.

Nabi huud calayhi salaam talaabo kasta oo uu qaado iyo si kasta oo uu wax ugu sheego reerkiisa waa ay ka diidayeen isla waynidooda ayaa mar kasta tusalaynaysay inaysan marnaba qaadanayn, dad yar ayaana rumeeyay dhambaalkii iyo fariintii nabi huud calayhi salaam mar walba oo uu carada alle ee ka dhalan karta shirkiga u sheegana waxa ay si kibir iyo isla wayni ku jirto ku dhihi jireen noo keen carada iyo cadaabka aad ku goodinayso cid naga xoog badan oo na burburin karta ma jirto

Isaguna waa nabi huude waxa uu ugu jawaabi jiray alle SWT waa awood badane ee caradiisa ha dalbanina balse reer caad waxa ay ku adkaysteen in hadii uu alle ciqaab iyo cadaab hayo in uu la yimaado.

Nabi huud calayhi salaam markii uu ka quustay qawmkiisi waxa uu alle waydiistay in uu u gargaaro isaga iyo inta rumaysay alle SWT waxa uu ku yiri dhawaan ayay ka shalayn doonan muddo kadib waxa ku dhacday caradii alle waxaana dhulkoodi haleeshay abaar kulul oo roob la’aan ah taas oo socotay muddo saddex sano ah waxaa guray biyihii wabiyada sidoo kalena waxaa ka yaraatay cuntadii gaajada iyo baahida ayaana ku badatay abaartii

Markii ay u adkaysan waayen ayay baryeen sanamyadoodi iyaga oo waydiisanaya roob balse waxba uma kordhin dhagax ay gacantooda ku samaysteen abaartii kadib waxaa dushooda hareereyay daruuro madow kuwaas oo u eeg kuwa roobka sida waxayna u maleeyen in sanamyadoodi ay ducadii ka aqbaleen oo roob u di’I doono balse daruurahani waxay ahaayen kuwo halaag iyo masiibo u sida waxaana yimi roob wata dabaylo iyo dhagxaan qof walba gurigiisi ayuu ku cararay alle SWT ayaa ciqaab uga dhigay inuu usoo diro dabaylo xoog badan si loo tuso reer caad in awoododu tahay mid aan meel fog jirin maanta oo kalena aysan badbaadi Karin.

HALAAGI REER CAAD

Waxaa haleelay dabaylo iyo duufaano aan cidnaba reebayn taas oo madaxa qofka iyo jirkiisa intiisa kale kala jaraysay guryahana ku duminaysay sidaas ayaana laggu halaagay qomkii kibray ee reer caad ilaahayna waxa uu badbaaddiyay nabi huud iyo intii rumaysay gaaladiina caradii alle ee ay dalbadeen ayaa la tusay laguna halaagay.

Nabi huud waxaa aasay dadkii rumeeyay waxaana jira goobo badan oo lagu sheego inay tahay meesha uu ku aasan yahay nabi huud sida qabri weyn oo ku yaala magaalada xadra maw tee dalka yaman oo u dhow halkii qowmkiisi lagu halaagay sidoo kale goobo kale oo ku yaala sucuudiga iyo urdun ayaa iyagana laggu sheega inuu ku yaalo qabriga nabi huud

Intaas ayay ku eegtahay maqaalkii aan uga waramaynay qisadii reer caad ku mahadsanid akhriska aad akhrisay mac salaama.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *