nabi yoonis: Qisada nabigii uu nabarigu laqay RAMADAAN 2

nabi yoonis

Yoonis ibnu matah waa rasuul kamida rususha alle SWT waxaa loo diray qoom dagama  magaalo la yiraahdo naynuwa oo ku taala gobolka muusil ee dalka ciraaq.

Nabi Yoonis Reer naynuwa

Naynuwa waxay ku taala daanta wabiga dijla waxaana dagan qoom ka tirsanaa qabaa’ilada reer banii israail magaaladan ayaa hoos imaan jirtay boqortooyadii ashuuriyiinta  oo ahayd boqotooyo xoog badan oo ka talin jirtay shaam ciraaq iyo dalka masar iyo sidoo kale qaybo badan oo kamida Persia.

Nabi yoonis calayhi salaam waxaa uu ka dhashay reer naynuwa oo ka tirsana reer banii israail reerkan ayaana ahaa kuwo la yimaada shirki iyo sidoo inay samaystaan asnaam ay ilaahyo ka dhigtaan waxaana ugu weynaa sanam la yiraahdo cishtaar.

Nabi  yoonis calayhi salaam ayaa alle SWT u diray si uu ugu yeero cibaadadiisa kana fogaadan asnaamta ay caabudayaan balse markiiba waxay kala horyimaadeen diidmo aad u  adag oo ay ku diiriyeen fariinti uu kasoo xambaaray xaga alle SWT.

yoonis ayaa u samray oo qoomkiisi har iyo habeenba dacwada ugu yeerayay kor iyo hoosna ugu dhigay lakiinse way ka madax adaygeen wayna ka dhago xirteen waxna way ka qaadan waayen dhamaantoodna waxay isku waafaqeen beenintiisa muddo 33 sano ah ayuu dacwada ugu yeerayay reer naynuwa balse wax rumeeya waa uu waayey.

Markii uu ka quustay ayuuyoonis reerkiisi ku yiri muddo saddex maalmood ah waxaa idin asiibi doona cadaab xaga alle idinkaga imaanaya kadibna isaga oo caraysan ayuu magaalada iskaga baxay ibnu cabaas alle haka raali noqdee waxa uu yiri maadama ducada nabiyada alle aqbalo sidaas ayuu cadaabkii uga soo ifbaxay reer naynuwa korkooda balse maysan ahayn arin alle u waxyooday sidoo kalena alle ma amrin nabi yoonis inuu magaalada ka baxo balse alle SWT ayaa ka aqbalay cadaabkii uu ugu goodiyay reerkiisa.

Markii uu nabi yoonis ka baxay deegaankii ayaa waxaa soo muuqday astaamaha cadaabkii uga digay dadkii deegaanka markii ay arkeen in nabi yoonis calayhi salaam wixii uu sheegayay ay xaq tahay calaamadihiina ay soo muuqdeen ayay isku yimaadeen iyagoo ka qoomamaynaya caasintii u gaysteen rasuulkii alle SWT kadibna dhamaantood waxay kasoo baxeen guryahoodi iyagoo alle SWT baryaya kana cabsanaya in cadaabkii loo balan qaaday uu haleelo dadkii oo dhan waxay rumeeyeen ilaahay SWT shirkigiina waa ay iska fogeeyen markaasi ayuu alle SWT u naxariistay kana joojiyay dhibtii kusoo socotay.

Ibnu xajar waxa uu wariyay in nabi yoonis markii uu iskaga tagay magalaada uu racaay Markab ay dad saran yihiin xiligu waa habeen dabaylo badan ayaana jira kadibna waxaa mar qura isbadakay jawigii mawjadihii badduna sare ayay u kaceen hadaba si loo yareeyo culayska doonta ayay dadkii tuureen alaabihii ay wateen balse waxba kama badalin dabayshii iyo mawjadihiina sare ayay usii kaceen dadkii waxa ay dareemeen cabsi kadibna waxa ay ku sheekaysteen in ruux baxsadka ah reerkiisi uu doonta saran yahay waxayna go’aansadeen inay qori tuur sameeyaan ruuxi qorigiisu soo baxana badda lagu tuurayo si ay kuwa kale u badbaadan markii ay qoryihii tuureen ayay kusoo baxday nabi yoonis calayhi salaam.

Markaas ayay dhaheen adigu waxaad tahay qof wanaagsan aynu ku celino mar labaad iyo mar saddexaad ayayna ku celiyeen sidoo kalena waxa ay usoo baxday nabi yoonis calayhi salaam sidaas ayaana badda loogu riday nabari weyn ayaana isla markii afka u dhigtay laqayna nabi yoonis calayhi salaam alle SWT ayaana nabariga amray inuusan lafna ka jabin hilibkiisana uusan taaban sidaas ayuuna nabi yoonis ku tagay calooshii nabariga isagoo nabad qaba wax dhaawac ahna aysan soo gaarin.

Nabi yoonis nabarigan laqay waxa uu la tagay badda salkeeda hoose wuxuuna dhex tagay xayawaanadii  kale ee badda ku noola isla markiiba nabi yoonis waxa uu maqlay xawaanadii oo alle SWT u tasbiixsanaya nabi yoonis ayaana bilaabay inuu alle u tasbiixsado.

Sida uu alle ku sheegay aayada 87aad ee suurada anbiya in nabi yoonis uu kasoo dhex dhawaaqay mugdiyo dhexdood isagoona leh allow adiga mooyani ilaah kale ma jiro xumaana adiga ayaa ka nasahan aniguna kuwa daalimiinta ah Ayaan kamid noqday oo uu ula jeedo amarkaaga la’aantii Ayaan dacwadii kasoo tagay

ibnu cabaas alle haka raali noqdee mugdiyada uu kasoo dhex dhawaaqay waxa uu ku fasiray mugdiga habeenkii, mugdiga caloosha nabariga iyo mugdiga badda gunteeda hoose intaas oo mugdi ayuu nabi yoonis alle ku dhex xusayay ibnu kasiir ayaa wariyay in culimo badan ay isku khilaafeen wakhtiga uu ku jiray nabi yoonis caloosha nabariga maalin saddex maalin iyo sidoo kaleba isbuuc qaarkoodba wakhti ayay ku sheegen sida saxda ahna alle ayaa og.

Alle ayaa ducadii ka ajiibay ducadii nabi yoonis wuuna ka badbaaidyay calooshii nabariga, nibirigii ayaa usoo baxay xeebta badda halkaas ayuuna ku tufay nabi yoonis calayhi salaam isaga oo gaajoonaya haraadsan sidoo kalena xanuusanaya alle ayaana u waxyooday inuu cuno miraha geed meesha ka dhawaa oo la yiraahdo yaaqtiin hooskiina uu ka harsado qoraxda iyo kuleelkeeda sidoo kalena alle ayaa u diyaariyay xayawaan duurjood ah oo dhadig ah taas oo uu caano ka cabo inta uu jirkiisu kasoo kabanayo culayskii badnaa ee kasoo gaaray calooshi nabariga

Nabi yoonis calayhi salaam ayaa waxyar kadib bogsooday waxaana la amray inuu qoomkiisi dib ugu laabto markii uu tagay ayuuna la kulmay iyagoo dhamaantood ay rumeeyen wayna soo dhaweeyen.

Intaas ayuu ku eegyahay maqaalkii aan ugu hadlaynay qisadii nabi yoonis calayhi salaam ku mahadsanid akhriskaaga Salaam

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *